TUUGSI TABAYSAN: Muxuu ilmahaasi had iyo goor u hurdayaa? Ma aaminaysid qisadan! (Qaybtii 4-aad)

0

(London) 14 Okt 2018 – Su’aashu waxay tahay muxuu mar kasta u hurdayaa cunugga yar ee ay dhabta ku hayso haweenaydan tuugsanaysaa? Abidkaa ma is waydiisey? Jawaabtu waa ka yaab badan tahay wax kasta oo aad maan sawir ku keeni karto!

Waxaan doonayay inaan ka jawaabo su’aashayda – Muxuu cunugga yari mar kasta u hurdayaa? Waana helay. Saaxiibkay ayaa iigu sharraxay, si caadi ah iyo cod deggan taasoo argagax i gelisey, waayo wuxuu u hadlayay sidii inuu tebinayo warka saadaasha hawada: “Carruurtan waa lasoo ”ijaartaa” ama waaba lasoo xadaa. Waxaa la siiyaa daroogada heroin, ama khamriga aadka u kulul ee vodka.”

Aad baan u shaamareeray oo u yaabay. “Yaa la siiyaa heroin ama vodka?!”

Wuxuu ku warceliyay “Cunugga dee, si uusan u qaylinin. Haweenaydu maalintii oo idil bay meesha fadhinaysaa, marka qiyaas sida uu cunuggaasi u dhaqmi lahaa, dabcan wuu caajisi lahaa kaddibna ooyi lahaa?

Si marka cunuggu maalintii oo idil u hurdo waxay ka dherjiyeen vodka ama daroogooyin kale. Dabcan jirka carruurtu ma xamili karo cadadkaa badan, sidaa darteed marar badan qaarkood baaba dhinta.

Tan ugu darani waxay tahay – mararka qaar waxay carruurtani dhintaan inta lagu jiro “shaqo maalmeedka”. Deetana hooyo beenaadkaasi waxay dhabta ku haynaysaa cunug dhinsan ilaa fiidkii. Xeerka u yaalla waa sidaas. Dadka jidka marayaana waxay qadaadiic iyo sunuud ku daadinayaan boorsada ama wixii dhulka u yaalla, iyagoo aaminsan in ay samaynayaan wax anshax ahaan sax ah, waayo waxay caawinayaan hooyo iyo ilmeheed tabaalaysan.

Maalintii xigtey, anigoo maraya agagaarka isla saldhiggii dhulka hoostiisa ahaa. Waxaan lasoo baxay kalsoonideeydii weriyenimo waxaaa diyaarsaday su’aalo dhab ah, balse sheekadii nooma bixin, waayo waxay dhulka la fadhisey cunug kale.

Waxaan waydiiyay kaarka aqoonsiga ee cunugga yar, waxaan kaloo waydiiyay halka uu aadey kii yaraa ee ay shalay haysatey? Si fudud bay iigu jaakirtay oo iskaga kay indha tirtay, balse dadkii jidka marayay ayaaba igu camirtay.

Waxaa la ii sheegay inaan waalanahay waayo waxaan su’aal ka keenay xiriirka ka dhexeeya haweenayd gacan hoorsi miciinsatay iyo muluqeeda, anigoo yaxyaxsan oo ceebaysan ayaa bannaanka la ii gelbiyay. Waxa qura ee harsanaa waa inaan booliiska woco, yeelkeede, markii ay booliisku goobta yimaadeen haweenaydii iyo hanadkii yaraa meesha waa ka tageen. Waxaan u ekaaday sidii nin “dabaysha dagaal kula jira.”

Marka aad jidka ama meel kale ku aragto haweenayd carruur wadata oo baryaysanaysa, fikir kahor inta aanad lacag siinin, ka fikir, inay jiraan dad ganacsi ahaan u adeegsanaya isla haweenaysa iyo carruurta oo macluuli lahaa haddii aad lacagtaada ka daysato.

Ganacasigaa gunta ihi wuu dhiman lahaa, sidoo kale, way badbaadi lahaayeen carruurtaa yar yar ee lagu hafinayo daroogada, aalkolada iyo khamriga aadka u kulul ee noloshooda baabi’inaya iyadoonba bilaabanin.

Indho kalgacayl leh haku eegin ilmaha hurdaysan, arag halista iyo hororka, haddii aad sheekadan akhrinayso haddaba waad ogtahay waxa khaldan haddii aad jidka ku aragto haweenay haysata hanad maalin kasta hurdaya.

Dhamaad…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media