KHASIFAAD: Qaabka & AALADDA lagu duubay codka muujinaya khaarajinta Khashoggi?

0

(Istanbul) 14 Okt 2018 – Saraakiidha Turkish-ka ayaa sheegay in ay hayaan cod duuban oo sida ay sheegteey ay duubtay saacad Apple Watch ah oo uu xirnaa weriye Jamal Khashoggi, markii uu gelayay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii Oktoobar.

Warsidaha u janjeera dhanka dowladda Turkiga ee Daily Sabah, oo sheegay inay saraakiisha amaanka ee Turkigu xogta usoo dusiyeen, ayaa arrintan soo bandhigay, balse ma uusan sheegin sida ay ku heleen muuqaal isna la sheegay inay ka hayaan khaarajinta Khashoggi.

Hay’aadka amaanka Turkiga ayaa sheegaya in ay codka ka heleen koontada iCloud ee uu Khashoggi ku leeyahay iPhone, waayo weriyaha ayaa telefoonkiisa u dhiibey gabadha u doonan kahor intii aanu gelin Qunsuliyadda.

Wargayska ayaa wuxuu intaa raacinayaa in saraakiisha Sucuudigu isku dayeen inay tiraan xogahaasi, iyagoo ku fashilmay inay qiyaasaan furaha PIN-ka ee Khashoggi ee saacadda ku xiran, iyagoo markii dambe adeegsadey farta weriyaha. Yeelkeede, saacadaha Apple Watch-ku faraha kuma furmaan si la mid ah telefoonnada iPhone-ka.

Saacadda Apple Watch waxay duubi kartaa codad ay kaddibna ku xiri karto telefoonka iPhone iyadoo u marinysa xiriirka Bluetooth, balse warsiduhu ma sharrixin, sida saacadda Apple Watch ay xogtaa ku gaarsiisay iPhone-ka iyo iCloud-ka Khashoggi. Saraakiisha Turkiguna kama jawaabin arrimahan iyo su’aalo kale oo ay soo jeedisey Associated Press (AP).

Yeelkeede, waxay arrintani cadaadiska ku badinaysaa Sucuudiga oo looga fadhiyo inay sharraxaan waxa qabsaday Khashoggi, oo aad u dhaliili jirey ninka xoogey dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ee Mohammed bin Salman, kaasoo aan raq iyo ruux toona dib loo arag kaddib markii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Hadalsame Media