TUUGSI TABAYSAN: Muxuu ilmahaasi had iyo goor u hurdayaa? Ma aaminaysid qisadan! (Qaybtii 3-aad)

0

(London) 13 Okt 2018 – Su’aashu waxay tahay muxuu mar kasta u hurdayaa cunugga yar ee ay dhabta ku hayso haweenaydan tuugsanaysaa? Abidkaa ma is waydiisey? Jawaabtu waa ka yaab badan tahay wax kasta oo aad maan sawir ku keeni karto!

Haweenaydii tuugsanaysay waxay deeto ninkii u muujisay astaan mahad celineed, iyadoo muujisay weji heesh ah oo ay hogasho iyo hagardaamo ka muuqato. Ninkii baa isna inta garabka iisii daayay, horay ugu sii socday saldhiggii dhulka hoostiisa ahaa.

Waxaan hubaa inuu niyaddiisa ugu sheekaynayay sida uu haweenay besteed ah oo uu faqri ciilay uga daafacayay nin ay damiir xumo dilootey oo aan naf iyo qalbi damqada toona lahayn oo uu saldhigga tareennada kula kulmay.

Maalintii xigtey, waxaan wacay mid saaxiibkay ah. Waa nin maad badan oo aad indhihiisa muguxda wayn moodayso miraha Saytuunka. Dhalashadiisu waa Romanian. Wuxuu weligii dugsi dhigtay seddex sanadood iyo bar meelahaas, balse waxbarasho laaantiisu kama hor istaagin inuu dadaalo oo meel iska soo bixiyo, noloshiisana maareeyo.

Wuxuu magaalada ku wareegaa gawaari qaali ah oo kuwa raaxada ah, tiiyoo uu deggan yahay guri ”yar” oo daaqado iyo balkoonno badan, saaxiibkaas ayaa iga dhaadhiciyay qaar badan oo ka mid ah sheekadan i hal-xiraalaysay.

Waxaan wax badan ka ogaadey sababta ay sheekadani khiyaali iigula muuqato, wuxuu iga dhaadhiciyay jawaabta su’aasha aan maalin kasta is waydiiyo marka aan hareer marayo haweenaydan iyo hanadkeeda yar ee hurdaaye.

Wuxuu iiga warramay waxa keenaya in ilmahaa yari uu 24 saac sidaa u hurdo ee aanu marna xitaa dhaqdhaqaaqin iyo waxa lagu sameeyay ee sidaa ka dhigay, cidda ka dambaysa arrintan iyo sababta ay sidaa u yeelayso.

Wuxuu iiga sheekeeyay nooca uu yahay xiriirka ka dhexeeya carruurtan iyo haweenayda dhabta ku haysa ee markii aan soo haleelaba halkaa la fadhisa.

La soco qaybta 4-aad…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media