Maxaa ka jira in Shaakir hoosta ka riixayo mooshin ka dhan ah XAAF?

0

(Dhuusa-Mareeb) 13 Okt 2018 – Madaxwayneha Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wajahaya Xiisad siyaasadeed oo cusub kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya mooshin isaga ka dhan ah oo ka socda Magaaladda Dhuusa-Mareeb.

Dhawaan ayey ahayd markii la isku daray maamuladda Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu hormuud u ahaa wadaadka quyar socodka ah Sheikh Shaakir Cali Xasan.

Shiikh Shaakir oo u shaqeynayay sidii Ra’iisal wasaare hase ahaatee hadda magaca uu watay uu ahaa madaxa xukuumadda Galmudug ayaa la soo baxay farsamooyin cusub oo si xeeladaysan uu xilka hoggaanka maamulka uga tuurayo saaxiibkiis Xaaf.

Madaxwayne Xaaf ayaase lagu eedeeyay habacsanaan iyo sidoo kale khilaaf joogta ah oo kala dhaxeeyay kuxigeenkiisa iyo hogggaanka Baarlamaanka Galmudug.

Mooshinka ka socda Magaaladda Dhuusa-Mareeb ayaa waxaa illaa hadda saxiixay ku dhawaad 60 xildhibaan waxaana suuragal ah inay xilka ka tuuraan Madaxwayne Xaaf.

Murankaan ugu dambeeyay  ee u dhaxeeya Shiikh Shaakir iyo Xaaf ayaa warsidaha Hadalsame Media fahansanyahay inuu salka ku hayo magacaabista golaha wasiiradda maamulkaas oo illaa hadda aan lagu guuleysan in la soo dhiso.

Maamulkaan ayaa hore laba garab ugu kala jabay waxaana garab ka mid ah fadhigiisu yahay Cadaado waxaana hoggaaminaya madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheikh Shaakir uu ciyaarayo siyaasadeed cusub isagoona markii ugu horeysay doonaya in uu la  wareego hoggaanka Maamulka Galmudug oo noqday mid khilaafyo ragaadiyeen.

Hadalsame Media