Madaxii Sirdoonka Soomaaliya oo iscasilay

0

(Muqdisho) 13 Okt 2013- Taliyihii Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkiisa waxaana warqada iscasilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War kooban oo ay sii daysay NISA ayaa lagu sheegay iscasilaada madaxii sirdoonka dalka, lamana sheegin sababta ka dambeysay shaqo ka tagistiisa, has ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu doonayo inuu isku sharixi doono xilka Madaxwaynanimo ee maamulka Koofur Galbeed.

Hoos ka akhari qoraalka NISA

Hadalsame Media