DAAWO: ”Madaxtinnimada Trump waxay muujinaysaa LIICITAANKA Maraykanka oo maanta dunidu ku qoslayso!” – RW Canada + Sawirro

0

(Otawa) 13 Okt 2018 – Raysal Wasaarihii hore ee dalka Canada Jean Chretien ayaa sheegay in arrinta Donald Trump ay tahay mid “aan laga hadli karin” isagoo madaxwayne noqoshadiisa ku suntay inay muujinayso liicitaanka awoodda Maraykanka.

Chretien ayaa aragtidan uusan Trump jeclaysan doonin ku qaadaa dhigaya buug cusub oo uu qoray ninkan oo 10 sanadood RW ka ahaa dalka Canada siyaasaddana ka howl gabay 2003-dii, kaasoo uu cinwaan uga dhigay “Sheekooyinka xilliyadaydii,” Chretien, ayaa dabcan ah nin aan halkiisa la gabban, gaar ahaan tan uu ka qabo Trump isagoo u warramaya CTV News.

Chretien ayaa gogol dhigga buuggiisa markiiba ul la koraya Trump isagoo sheegaya in uu “ku daaley jawiga khiyaaliga ah ee Madaxwayne Trump iyo dhegeysiga maalaa yacnigiisa.”

“Waa murugo aad u wayn inaad aragto khaladka qarada wayn ee ay deriskeenna koonfureed (Maraykanka) sameeyeen bishii Nofeembar 2016,” ayuu ku qoray cutub ka mid ah buugga isagoo sidii beri samaad u milicsanaya waayihii madaxwayne Bill Clinton iyo xaaskiisa, Hillary, oo ah qofka uu ka adkaaday Trump iyo sida ay isaga iyo xaaskiisa Eline ay isu fahmi jireen. Isagoo sheegay in Canada ay ka macaahid fiican tahay Maraykanka, tusaale ahaan, marka la eego sida loo siyaasadeeyay magacaabista Brett Kavanaugh oo isagoo eedaymo loo haysto ay xisbigiisu meel mariyeen.

“Waad ogtahay, waadna aragtaa soo bixitaanka Chinese-ka iyo liicitaanka Maraykanka. Marka aan dunida ku safrayo, waxaan dareemaa sida ay saamayntoodu hoos ugu dhaceeyso weliba si deg deg ah,” ayuu Chretien u sheegay The Canadian Press oo waraysi gaar ah la yeelatay.

Chretien ayaa sheegay in siyaasadda seddex necebka ah (protectionist) ee uu dabaqayo maamulka Trump ay tahay mid luminaysa qiyamka Maraykanku caalamka ku lahaa tan iyo 1940-kii, isla markaana ay walaacinayso xulufada soo jireenka ah ee dalkaasi sida reer Galbeedka.

“Haddaan doonayso inaad is xirxirto, waa samayn kartaa. Balse waxaad luminaysaa saamayntii aad lahayd.” ayuu yiri Chretien oo sharraxay in awooduhu soo baxaan kaddibna baaba’aan, sida boqortooyadii Roman-ka, Britain, Napoleon iwm.

Hadalsame Media