KAKA CUSUB?: Milan oo xaqiijisay in heshiis la gashay Lucas Paqueta

0

(Rio de Janeiro) 12 Okt 2018 – Laacibka Lucas Paqueta, 21 jir, ayaa durba caafimaadka u maray kooxda AC Milan, isagoo usoo socda horyaalka Serie A oo kusoo iibsatey adduun gaaraya €35 milyan oo euro, sida uu sheegayo hilinka ESPN.

Yeelkeede, waxaa markii ugu horreeysey heshiiskan ka hadlay Madaxa Farsamada Milan  ee Leonardo oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Fubine oo isaga lagu guddoonsiinayay abaalmarinta Leidholm, wuxuuna xaqiijiyay heshiiska.

“Waxaannu heshiis asaasi ah la gaarney Flamengo, balse daaqadda suuq jiilaalku waxay furmaysaa 3-da Jannaayo, sidaa darteed, weli heshiiska rasmi kama dhigi karno, balse waa la heshiiyay,” ayuu ku yiri warsidaha La Gazzetta dello Sport.

“Waxaan heli doonnaa waqti aannu ka hadalno, balse hadda waxaa u harsan 10 kulan oo gudaha Brazil ah, maaddaama ay kooxdiisu horyaalka u dagaallamayso.” ayuu raaciyay.

Kooxda Rossoneri laacibkan ka dul qaadday kooxo ay ugu horreeyaan Barcelona, Liverpool iyo Paris Saint-Germain, iyadoo laacibkan reer Brazil lagu tilmaamay mid leh baxaalligii kubadeed ee Kaka.

Hadalsame Media