Hooyo wax baratay waa umad wax baratay, sheekadan ayaana u daliil ah!

0

(Hadalsame) 12 Okt 2018 – Maalin ayuu wiilkan yari ee sawirkiisu halkan ka muuqda waxuu ka soo noqday iskuulka ama dugsigii uu wax ka baranayey, dabeedna waxuu u dhiibay hooyadii waraaq yar oo looga soo dhiibay dugsiga. Waxa uu waydiiyay hooyadii waxa Ku qoran waraaqda.

Waxaa hooyadii indhaheedii iska soo buuxiyay illmo, waxayna Ku tiri, waxaa Ku qoran “ilmahaagu wuu maskax badanyahay, dugsigana uma qalmo qof sidan u maskax badan inuu dhigto. Inagu malihin dugsiyo dabooli kara waxbarashadiisa, sidaa darteed waxaanu kaa rajaynaynaa inaad guriga wax ugu dhigtid”.

Hooyadii waxay bilowday inay guriga wax ugu dhigto. Isaguna waxa uu Ku iibin jiray jaraa’idada goobaha tareenka laga raaco, si uu hooyadii u caawiyo.

Sanado kadib waxaa dhimatay hooyadii. Wixii intaa ka danbeeyay, kaligii ayaa is waday, wuxuu noqday mid aduunka wax cusub ku soo kordhiyay.

Maalin ayaa wuxuu furay qasnadii hooyadii ee qadiimiga ahayd, waxaanu ka helay warqadii, barigii dugsiga looga soo dhiibay, ee hooyadii u akhriday. Waxaa Ku qornaa sidan ” wiil kaagu wuu fahan xunyahay,! Sidaa darteed uma oglaanayno inuu sii dhigto dugsigan”. Aad ayay u saamaysay warqadani. Waxa uu Ku qoray buugiisii xasuus qorka sidan “waxa aan ahaa qof fahankiisu hooseeyo, laakiin hooyaday ayaa iga dhigtay qofkii ugu maskaxda badnaa qarniga”.

Wiilkan yari wuxuu ahaa Thomas Edison oo u dhashay dalka Mareykanka waana ninkii sameeyay layrka ama nalka.

Waxaa halkaa inooga baxay faa’iidada hooyada wax baratay ay u leedahay ubad keeda iyo bulshadaba, waynakaa aan waxyar ka maarmi Karin nalka ama layrka.

Haweenka somaaliyeed ha lagu dhiiri galiyo aqoonta tan diinta iyo tan maadigaba.

Xigasho: Xaashi Yuusuf Xaashi

Hadalsame Media