XATOOYADII XIRFADDA: Maraykanka oo maxkamad soo taagey jaajuuskii ugu horreeyay ee Chinese ah oo loo gacan geliyo! + Sawirro

0

(Washington, DC) 11 Okt 2018 – Nin ay Maraykanka ku doodayaan inuu yahay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Shiinaha ayaa shalay maxkamad lagu soo taagey dalkaasi, kaddib markii laga soo duuliyay dalka Beligum, wax lagu sheegay soo wareejin aan ”horay loo arag”.

Ninkan ayaa ku eedaysan inuu isku dayayay xaditaanka tiknolojiyadda dhanka duullimaayada iyo dayuuradaha, isagoo haddii dembigu ku cadaado wajahaya xabsi gaaraya ilaa 25 sanadood.

Jeer ay Washington durba bilowday in Shiinaha oo ah cududda soo baxaysa qarnigan 21-aad u aragto cadowgeeda 1-aad, fadeexad dhanka basaaska ah oo soo baxdaa waxay sii midabaynaysaa madmadoowgii maalmahanba ku dhex jirey Beijing iyo Washington.

FILE PHOTO. © Kevin Lamarque
Maraykanka ayaa ka cabsanaya koobbiga halista ah ee Shiinaha

Sida ay sheegayso Waaxda Cadaaladda Maraykanku, ninkan oo la yiraahdo Yanjun Xu, sidoo kalena loogu yeero magacyo ay ka mid yihiin Qu Hui iyo Zhang Hui, wuxuu ku foogganaa xaditaanka “siro badan oo ganacsi iyo tiknolojiyadeed oo ay leeyahay sharikaad badan oo dhanka hawada ah.” GE Aviation, oo hoos tagta General Electric oo ah shirkad samaysa matoorrada dayuuradaha ayaa ka mid ah kuwa la magacaabay inay xatooyadu ku wajahnayd.

Hadalsame Media