”Waad arki doontaa jawaabta aan siinno Hindiya” – Trump oo ka jawaabay dalabka Hindiya ee gantaalaha Ruushka + Sawirro

0

(Washington, DC) 11 Okt 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa ku gooddiyay in sida uu yiri ay Hindiya ay “dhaqse u ogaan doonto” jawaabta ay Washington ka diyaarsatay iibka hannaanka difaaca gantaalaha S-400 iyagoo iska dhega marinaya cadaadiska Maraykanka.

”Waxaan nahay dal xor ah” – Waxaa tiri Hindiya oo horay uga jawaabaysey arrintan, iyadoo sheegtay inay xoojinayso xiriirka Ruushka oo ay xitaa ka dalbanayso dayuuradaha qumaatiga u duula ee Kamov.

Hindiya iyo Ruushka ayaa Jimcihii hore saxiixday qandaraas uu Ruushku dalkaa uga iibinayo hannaanka casriga ah ee S-400 kaddib booqashadii Vladimir Putin ee New Delhi. Waa dhaqaaq Hindiya ka dhigaya bartilmaameedka cunaqabataynta Maraykanka, istaraatijiyad lagu magacaabo Xeerka Cunaqabatayn uga hortegidda cadowga Maraykanka ee America’s Adversaries Through Sanctions Act (CAATS).

© Reuters/ Vasily Fedosenko
”Waxaan nahay dal xor ah” – Hindiya ayaa horay uga jawaabtey arrintan

Trump oo xalay la waydiiyay waxa uu ka oranayo is dhagoolaysiinta New Delhi, wuxuu Trump lasoo deg degey inay dhaqse u iman doonto ma se faahfaahaanin. “Waad arki doontaan. Si ka dhaqse badan sida aad moodaysaan,” ayuu yiri.

Hindiya waa dalkii 3-aad ee dalbada gantaalahan S-400 oo ay farsamayso sharikadda Almaz-Antey, kaddib Shiinaha iyo Turkiga, iyadoo dalka dambe uu weliba ka tirsan yahay gaashaanbuurta NATO.

Helikabtarrada Kamov

 

Hadalsame Media