MARWO MADAX AH & XAALAD MURUGSAN: Sheeko ku saabsan sida ay danaha siyaasadeed iskugu shakaalan yihiin

0

(Hadalsame) 11 Okt 2018 – Waa Professor taqasus kiisu yahay diimaha, waa macallin ka dhiga jaamacadda George Washington mad-habta Orthodox-ka, waana ninka qaba haweeneyda ah wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka.

Subax aroor hore Xaaska iyo carruurta isagoo jikada ugu jira ayuu telfoonkiisu soo dhacaya. Markuu dhammeysto, ayuu u sheegaya xaaskiisa qofka uu la hadlayey inuu ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, oo Washington DC shir u jooga, waxey lasoo boodeysa waan ogahay inuu joogo, ee ma aniguu i kaa weydiiyey, mayee wuxuu iga codsaday inaan wada quraacanno.

Cabbaar marka quraacda lagu dul sheekeysto, ayuu ku leeyahay waan ogahay inaad tahay Macallin ku fiican Diimaha, Falsafadda iyo Taariikhda, waxaan ogahay inaad George Washington hadda ka dhigto Madadaas, gabadheyda ayaa ka mida ardeydaada, maadada aad dhigto ayaa ku adag gabadheyda, waxeyna keentay “C”, Havard University iney ku biirto ayey rabtaa, suurtagalna ma ahan iney hesho Havard, haddey markale C keento, idaas darteed waxaan rabaa inaad “A” siiso.

“Ka Professor diimeed ahaan, ka macallin ahaan iyo ka aabe ahaan damiirkeyga iyo shaqadeydaba way ku adagtahay arrintaas ayuu ugu jawaabaya, laakin xaaskaagu waa wasiirka arrimaha dibadda, culeyska ugu badana waxey kala kulmeysaa Bariga dhexe, cidda ay isku hayaana waa Ruushka, aniga ayeyna ila yaalan, dhammaan go’aamada Ruushku, haddii damiir ahaan ay kugu adagtahay, xaaskaagana arrintu way ku adkaan doonta, ee bal kafikir,” ayuu kula dardaarmayaa.

Pakistan ayaa qabaneysa nin Mareykanka u dhashay oo u shaqeeya Hay’adda USAID, horayna dalka Mali isla USAID uga shaqeyn jiray, Pakistan ninka waxey ku eedeyneysaa inuu sirdoon Mareykan yahay, dil ayeyna ku xukumeysaa, waan run oo ninku wuxuu hayaa xog badan oo ay wasaaradda arrimaha dibaddu ka leedahay wadamada dagaalladu ka socdaan, sidaas darteed wasiiradda arrimaha dibaddu waa iney keenta xal Diplomasiyadeed, oo ninkaas dilka looga bad-baadin karo, iyadoon la lumin xulafanimada Pakistan ee Mareykanka.

Kooxda Xafiiskeeda ka shaqeysa ayey abaabuleysa, waxeyna ka codsaneysa iney keenaan wax deg-deg ah, Pakistan aad ugu baahantahay, Mareykanka aan culeys ku ahayn, nin kaas na looga badalan karo Pakistan. Wiil ka mida shaqalaaha wasaaradda, aadna ay wasiiraddu u jeceshahay, ayaa soo jeedinaya in uu jiro hub ay Pakistan aad u raadineyso, Mareykankana ay dhawr mar oo hore soo weydiisatay, wasiiradda ayaa ku celineysa sababtu maxey tahay, wiil kale ayaa ugu jawaabaya sababta oo ah Hindiya ayaa haysata, Pakistaana walwal ayey ku tahay, hub Hindiya haysato, ineysan haysan, waayo labada dal waa cadaw, waana daris. Wasiiradda ayaa su’aal kale daba dhigeysa oo ah, yaa laga heli kara hubkaas oo aan Mareykanka ahayn? Mareykanka kaddib, waxaa haysta Ruushka, China iyo India ayey ugu jawaabayaan shaqaaluhu.

China hub ma weydiisan karno, India na hub Pakistan lasiinayo kuma siineyso, sidaas darteed xalka keliya ee furan waa Ruushka, wasiiradda ayaa la hadleysa wasiirka dhigeeda ah ee Ruushka, isna isagoon is dhibin ayuu ku leeyahay ninkaagu arrinkii aan ka wada hadalnay ha fududeeyo, kaddibna Pakistan hubka way haysataa, muwaadinkaagana waad bad-baadisay.

Ninkeeda ayey arrinkii la wadaageysaa, wuxuu ku doodaya ma damiirkeyga ayaad wasaqeyneysaa, ma ardeyda kale ayaan xuquuqdooda duudsiiya, ma shaqadeyda ayaan ku ciyaara, taada darteed, mise shaqadaada ayaaba ka fiican teyda? dood badan iyo su’aalo damiir ahaan sax ah kadib, waxey Marwadu ninkeeda tusineysaa in naf, xog iyo sharaf dal la bad-baadinayo, muwaadin Mareynkan ahna howshu taagan tahay, waxey kaloo tusineysaa in marka Mareykan, Ruush iyo Pakistan qaddiyaddu taagan tahay in arrintu ka weyntahay darajo imtixaan oo gabar lasiiyo, tan ugu muhiimsana ay tahay iney guul diblomaasiyaddeed iyadu gaareyso oo ka timid qalinka ninkeeda, iyadoon dalkeeda waxba ka lumin, wuuna ka aqbalayaa. Waxey kaloo dareensiineysaa in mararka qaar wax qalad ah la sameeyo, iyadoo ujeedku yahay in meel kale wax laga saxo.

Qeyb ka mida farriimaha ku jira sheekada tixanaha ah ee musalsalka Madam Secretary.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Royal

Hadalsame Media