DER SPIEGEL: ”Warkeenna CADDAYN baan u haynaa” – Ronaldo oo uu xaalku ku xun yahay!

0

(Hamburg) 11 Okt 2018 – Warqaadka Der Spiegel ayaa u jawaabey qarreennada Cristiano Ronaldo, oo shalay sheegay in uu wargayskaasi gacan sameeyay eedaymaha ka dhanka ah Ronie, wuxuuna warsiduhu sheegay inay caddaymo u hayaan qoraalkooda.

Booliiska caasimadda qamaarka ee Las Vegas ayaa dib u furay kiiska arrintan oo dhacday 2009-kii, taasoo ay gabadha moodalka ah ee Kathryn Mayorga, ay CR7 ku eedaynayso inuu kufsaday.

War shalay kasoo baxay qarreenka Peter Christiansen ayaa lagu sheegay in dokumentiyada uu wargayskani faafiyay ay “ka kooban yihiin xogo dib loo dhisay oo ku dhisan xaqiiqooyin la weeciyay iyo waxyaabo la been abuuray.”

Yeelkeede, fiidkan ayuu Der Spiegel arrintan ka jawaabey isagoo soo marsiiyay weriyaha Christoph Winterbach oo Twitter kusoo qoray:

“Sheekadeenna si taxaddar leh ayaa loo baaray, waxaana haynaa boqollaal dokumenti oo aannu ilo kala duwan ka helnay, mana jirto sabab aannu u rumaysanno in dokumentiyadaasi aysan asal ahayn.”

“Waxaa dheer, sida had iyo goorba dhacda, ka hor inta aynaan hal war ku qorin DER SPIEGEL, waxaannu u hubinnaa si qoto dheer, waxaana ku samaynaa dib u eegis sharciga waafaqsan, sidaa darteed waannu ku kalsoon nahay ilaha aynnu warkeenna ku salaynay. Waxaan barbar taagan nahay warka aannu qornay.” ayay raaciyeen, iyagoo sheegay in heshiiska xeer jajabka ah ee uu Ronaldo gabadha la galay uu muujinayo inay warka wax badani ka jiraan.

Hadalsame Media