TUUGSI TABAYSAN: Muxuu ilmahaasi had iyo goor u hurdayaa? Ma aaminaysid qisadan! (Qaybtii 1-aad)

0

(London) 10 Okt 2018 – Su’aashu waxay tahay muxuu mar kasta u hurdayaa cunugga yar ee ay dhabta ku hayso haweenaydan tuugsanaysaa? Abidkaa ma is waydiisey? Jawaabtu waa ka yaab badan tahay wax kasta oo aad maan sawir ku keeni karto!

“Meel u dhow saldhigga tareennada, waxaa fadhisa haweenay aan da’deeda la qiyaasi karin. Tinteedu ay uskag dartii isku marantay, madaxeedu uu murugo la fooraro.

Haweenaydu waxay fadhisaa meel wasakh ah waxaana ag yaalla koob u eke nooca halka mar la isticmaalo ah, kaas oo ay dadku lacago qadaadiic u badan ugu tuuryeeyaan. Haweenayda waxaa gacanta ugu jira cunug yar oo laba jir u eg oo hurdaya. Wuxuu xiran yahay koofiyad iyo dhar wasakh ah.

“Miskiinad ilmo yar haysata” – dad badan oo hareer maraya ayaa lacago yar ugu deeqaya. In ay dadkeennu naxariis u dareemaan qofka dhibban ee ay hayntoodu yar tahay waa dabiici. Waxay dad badani diyaar u yihiin inay shaarkooda u siibaan, oo shilinka ugu dambeeya jeebkooda siiyaan, arrintana aysan ka fikirin. Caawintu ”waa shaqo wanaagsan oo la qabtay.”

Waxaan sidaa ku ag marayay muddo bil ah. Wax lacag ah se ma siinnin, maadaama aan ogaa inay arrintani tahay xeelad ay gaangiistarro ka dambeeyaan, iyadoo lacagtaa ay haweenaydu gurayso la siinayo qofka xukuma ”miskiinaddaas” oo qaab xaafad xaafad ah u abaabulan. Waa dad leh hanti lagu raaxaysto iyo gawaari qaali ah.

Qofka tuugsiga samaynaya, sida haweenaydan, waxay helaysaa wax yar dabcan, “hal dhalo oo khamriga Vodka ah oo fiidkii la siiyo iyo hal döner kebab.” Bil kaddib, anigoo meeshii maraya, wax baa mar qura igusoo dhacay….

Waxaan taagan ahay meesha oo ah isgoys mashquul badan, waxaan ku dhaygagay cunuggii oo u lebbisan sidii caadiga ahayd, dhar isku joog ah oo uskag badan, waxaan dareemay sida ay ”khalad”’ u tahay cunug yar oo lala fadhiyo saldhig dhulka hoostiisa ah oo wasakh iy qabow ah min subax ilaa fiid. Cunuggu had iyo goor wuu hurdaa. Marna ma hadlo mana qayliyo, balse wuu hurdayaa uun, wejigiisu wuxuu ku aasan yahay jilibka haweenay jileeysa inay hooyadii tahay.

La soco qayb kale….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media