Sacuudi Carabiya oo xaaladdu ku xun tahay iyo caalamka oo ka hadlay wararka dilka Wariye Jamal Khashoggi

0

(Muqdisho) 10 OKtoobar 2018 – Baarayaasha Turkiga ee Kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi ayaa loo ogolaaday inay gudaha u galaan Qunsuluyadda Sacuudi Carabiya ku leedahay dalkaasi Turkey.

Baarayaasha ayaa fatashaad ka wada gudaha Qunsuliyadda si ay u raadiyaan wariye Jamal Khashoggi oo illaa hadda nolol iyo geeri la la’yahay. Laakin waxaa loo badinayaa in lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa sheegtay in Sacuudigu ay aqbaleen in gudaha loo galo qunuliyadooda islamarkaana ay diyaar u yihiin inay qeyb ka qaataan baaritaanka socda.

Mr Khashoggi ayaa marki ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya qunsuliyadda Sacuudiga asbuucii la soo dhaafay, waxaana saraakiisha Turkigu sheegeen suurtagalnimada in la qaarajiyay wariyaha.

Sacuudi Carabiya waa ay iska diiday eedahaasi loo jeediyay waxaana ay sheegtay in wariyeha isagoo badqaba uu ka baxay xarunta dhismaha qunsuliyadda.

Madaxwayneha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda Jamal Khashoggi iyadoona wasiirka arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo uu sacuudiga ugu yeeray inay daacad ka noqdaan oo ka qeyb qaataan baaritaanka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale dalbatay baaritaan deg deg ah oo caalami ah oo ku aadan kiiskaan.

Xoghaya arrimaha dibedda Ingiriiska Jeremy Hunt ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay safiirka Sacuudiga ee dalka Ingiriiska islamarkaana dowladda Ingiriisku ay si dhab ah u qaadanayso kiiskan, waa haddii wararka dilka ay run noqdaan.

Hadalsame Media