RASMI: Wasiir Xayir oo raalli gelin ka bixiyay qadafkii uu ka galay lahjadda Maayga

0

(Muqdisho) 10 Okt 2018 – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta ka qayb galay Kulanka Golaha Shacabka wuxuu raalli gelin rasmi ah u diray shacabka ku hadla lahjadda Maayga, kaddib dhacdadii muranka wayn dhalisay ee Isniintii.

Guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Maxamed Candiraxmaan ayaa sida la sheegayo Wasiiru Dowlaha ka codsaday inuu Baarlamanka oo ah halka uu markii hore warka ka sheegay uu mar kale ka raalli geliyo shacabka Maayga ku hadla.

Wuxuuna aqbalay arrintaa isagoo baarlamanka yimid si uu raalli gelintaa si rasmi ah ugu bixiyo, waxaana goobta fadhiyay xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii uu warku ku yimid ee Maayga ku hadlay Isniinta ee uu Wasiirku sida laga fiicnaa ugu jawaabay, kaasoo sheegay inuu raalli gelinta aqbalay.

Hadalsame Media