HESHIIS DHACAY: Lucas Paquetá oo kusoo biiraya kooxda AC Milan + Muuqaal (Tafaasiisha lacagta, xilliga uu caafimaadka marayo iyo goorta uu imanayo)

0

(Rio de Janeiro) 10 Okt 2018 – AC Milan ayaa sida lasoo werinayo heshiis ku kacaya €35m iyo bareemiyo dheeraad ah la gashay kubad dhisaha Flamengo iyo xulka Brazil ee Lucas Paquetá.

Sida ku dhigan Globo Esporte, Paqueta ayaa Milan caafimaadka u maraya isla todobaadkan dhexdiisa, kahor inta aanu kusoo biirin suuq-jiilaalka Jannaayo.

Warsidaha ahaa sheegaya in AC Milan ay laacibka uga dheeraysay Paris Saint-Germain, Liverpool, Man United, Barcelona iyo kooxo kale oo wada doonayay waana ‘shaqadii 2-aad ee muhim ah’ ee uu qabto maareeyaha dhanka farsamada Milan ee Leonardo oo xagaagii Milan dib ugu soo laabtay San Siro.

Lucas Tolentino Coelho de Lima, oo loo yaqaanno Lucas Paquetá, oo baxaalli ahaan lagu sifeeyo Kaka iyo Neymar la isku daray, waa 21-jir bidixda ku dheela oo khad dhexe oo weerar xigeen ah ka dheela, wuxuuna 9 gool oo ay 2 ciyaartii ugu dambaysay ah u dhaliyay Flamengo 24 kulan oo uu u saftay fasal-ciyaareedkan, isagoo xulkiisa Brazil 2 kulan u dheeley.

Hadalsame Media