WAR CUSUB: Antonio Conte oo qarka u saaran Real Madrid

0

(Madrid) 09 Okt 2018 – Macallinkii hore ee Juventus iyo Talyaaniga ee Antonio Conte ayaa sida lasoo werinayo qarka u saaran kooxda Real Madrid haddii ay eryaan Julen Lopetegui.

Macallinkan Spanish-ka ah ayaa cadaadis ba’an wajahaya, kaddib 4 kulan oo guul la’aan ah, kuwaasoo 3 ka mid ihi weliba guuldarro ku dhamaadeen, kuwaasoo aysan kooxdu gool xitaa dhalin.

Kaddib war shalaytoole soo baxayay oo ku saabsan inuu maamulku ka fikirayo Conte, warsidaha Mundo Deportivo ayaa haatan werinaya inuu safka hore uga jiro taxa musharrixiinta xilka loo dhiibi karo.

Macallinkan ayaa taariikh wanaagsan leh, isagoo 3 Scudetti la qaaday Juventus, halka Premier League iyo FA Cup uu u qaaday Chelsea. Wuxuu sidoo kale xulka Talyaaniga keenay rubuc-dhamaadka oo ay rigoore dirqi ah ku reebeen Jarmanku.

Conte ayaa haatan ah macallinka qura ee wayn ee madax bannaan, marka laga yimaado Zinedine Zidane, oo isagu ka tegey isla Real Madrid xagaagan.

Hadalsame Media