TOOS u daawo Turkiga oo haatan baaritaan ku wada qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul – LIVE

0
(Istanbul) 08 Okt 2018 – Maamulka Turkiga ayaa haatan baaritaan ku wada qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul si meel loo saaro weriyaha Sucuudiga ah ee Jamal Khashoggi oo markii dad ugu war dambaysay todobaadkii tegey galay dhismahaasi.
A demonstrator holds up a poster of missing dissident journalist Jamal Khashoggi outside Saudi Arabia's consulate in Istanbul © Osman Orsal/Reuters
Turkiga ayaa rumaysan in weriyaha lagu dhex diley qunsuliyadd
a

Khashoggi, oo ah weriye isbedel doon ah aadna u dhaliili jirey maamulka Sucuudiga ayaa sanadkii hore kasoo tegey dalkaasi, waxaana ninkan oo qoraallo lid ah oo ka dhan ah ninka leh dhaxalka Boqortooyada ee MBS, la qiyaasayaa in lagu dhex khaarajiyay qunsuliyadda.

Waa eedaymo ay Sucuudigu ku tibaaxeen “kuwo aan sal lahayn,” iyagoo ku adkaysanaya inuu Khashoggi dhismaha ka baxay isagoo maray irid aan ahayn midda wayn, nasiib xumo marka laga soo tago inuu warkaasi tuhun hor leh abuurayo, misna waxay ku fashilmeen inay keenaan caddayn muujinaysa inuu baxay.

Halkan hoose TOOS uga daawo…

 

Hadalsame Media