RW Khayrre oo la kulmay Wasiir Dibadeedka Sucuudiga + Sawirro (Maxaa la isla soo qaaday?)

0

(Riyaad) 09 Okt 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Riyaadh ee dalka Boqortooyada Sucuudiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ra’iisulwsaaruhu ka helay dalka aan walaalaha nahay.

Ra’iisulwsaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Boqortooyada, iyada oo booqasho laba maalmood ah ay halkaas uga billaabaneyso.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia.

Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Hadalsame Media