Qofba XILKA haka qabto halka uu ku fiican yahay ee yaan xil siyaasadeed la wada JAMANIN!

0

(Hadalsame) 09 Okt 2018 – Qof Soomaaliyeed ayaa shaqo qabanaya oo si wanaagsan uga soo baxaya. Waad u bogaysaa oo waxaad is leedahay yaa isagoo kale ku badiya Soomaalida; weriye, ganacsade, shiikh ama aqoonyahan hawshiisa si qurxoon oo xirfad leh u qabta dadkana anfaca.

Subaxa dambe ayaad maqlaysaa kiiyoo jago loo magacaabay. Ma xuma oo iyaduba waa hawl ummadeed, laakiin sidii uu ugu qurxoonaa tii hore ma ugu qurxoonaanayaa tan cusub? Shaqadii uu soo banneeyey yuu uga yimi? Ogow shaqada uu ku fiican yahay waa lagaga dayan lahaa oo dad badan oo isaga oo kale ah ayaa soo bixi lahaa.

Waxaa laga yaabaa qolyaha magacaabay inay doonayeen inay magaciisa qurxoon adeegsadaan oo aanay iska hubin inuu shaqada ay u dirsanayaan ka bixi karo. Qaar ayaan weligoodba la caayin oo haddii laba su’aalood la weydiiyo xanaaqa oo muuqaal cusub yeesha.

Si nolosheennu meelo badan uga korto waxaa habboon in dadka loo daayo hawsha ay ku fiican yihiin. Haddii laga maarmi waayana, hawsha hore la meeleeyo si aan meelna loo dumin, meelna loo dhisin. Ama labadaba loo dumin.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media