IMF: Saameynta sii socoshada dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha oo laga digay

0

(Muqdisho) 09 Okt 2018 – Dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya dowladdaha Shiinaha iyo Maraykanka ayaa abuuray welwel aan la dheelsan Karin waxaana hay’adda lacagta dunida IMF ay soo saartay warbixin digniin ah oo ku aadan xasaradaha xagga ganacsiga ah ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Maraykanka.

IMF ayaa sheegtay iyadoo soo xiganaysay Canshuuraha dheeriga ah ee labadaasi dal uu dul dhigay badeecooyinka u kala gudbaya labada dal, in taas ay noqon karto saameyn ballaaran oo ugu dambeyntii dhulka la gali doonta dhaqaalaha caalamka.

Saameynta ayaan ku ekaan doonin labada dal ee Shiinaha iyo Maraykanka waxaase ay taaban doontaa dalalka kale ee dunida, sida ay sheegtay IMF

Hay’adda ayaa ku talisay in labada dal oo ah kuwa ugu tunka weyn dhanka ganacsiga inay xiisadahooda dagaal ee ganacsiga ku aadan ay hoos u dhigaan oo ay qaboojiyaan, si arrintu aysan faraha uga bixin.

Hadalsame Media