GAR-QAAD: Wasiirku mid kuma khaldana midse laga qaadan maayo!! + Muuqaal (Dadka dowladda metela waxay u baahan yihiin inay bartaan sida loo qorsheeyo hadalka)

0

(Hadalsame) 09 Okt 2018 – Waxaa aad loo hadal hayaa dood dhex martay nin xildhibaan ah iyo wasiiru dowlaha Maaliyadda oo ka dhacday Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Muqdisho.

Ninka xildhibaanka ihi wuxuu isagoo lahjadda Maayga ku hadlaya waydiinayaa wasiirka su’aal meesha ku jirta oo ku saabsan in Hanti-Dhowrka Qaranka ay soo magacoowdo laanta fulintu, marka sidee qof kusoo magacaabay oo ku tuuri kara aad ula xisaabtami karaysaa ayay daaran tahay waydiinti.

Yeelkeede, markii lasoo gaarey wasiirka, wuxuuba gebi ahaanba ka baxay xadkii moowduuca, isagoo iska galay warar aan meesha looga baahnayn, isla markaana ka il duufay xasaasiyadda iyo muhiimadda sare ee ay su’aashani lahayd.

Wuxuuna qaab aan ku habboonayn qof xil qaran ku fadhiya ku jawaabay: ”Saaxiibkay Fanax qolo kale ayuu la hadlayaa malaha, anigu afka waa ka xumahay su’aashii waad iska khasaarisay.” Wasiiroow erayga iska khasaarisay haddii aad xildhibaan u adeegsatay maxaad ku samayn lahayd qof shacabka kale ah oo wax kaaga baahday?

Marka ay halkaa joogo, wasiirku kuma khaldana inuusan fahmin lahjadda Maayga, taasi waa caadi, sidoo kale sax ma aha in arrinta xagal qabyaaladeed loo yeelo, laakiin midda muhimka ihi waxay tahay in uusan wasiirku muujinin xilkasnimo ku aaddan in xilka uu markaa hayo oo ah mid qaran uu yahay mid uu ku metelayo cid kasta oo ku dhex jirta xuduudda qaran ee Somalia.

Runtiina dowladda lafteeda waxaa saaran inay hagid qaran (national orientation) oo ku saabsan qaabka ay u hadli lahaayeen iyo istaraatijiyadaha ay tahay inay xeeriyaan barto dadka dowladda ku jira oo marar badan iskaga hadla qaab suuqeed fadhi ku dirir ah.

Waxaa beri dhowayd aad loola ashqaraaray qaabka ay u hadlayeen XILDHIBAANNADII dhamaa ee la lahaa dalka ayay miisaan iyo metelaad u yihiin, kuwaasoo si aan u qalmin uga hadlayay amaanka, siyaasadda, arrimaha gudaha ee umadda iyo xitaa arrimo heer qoys ah.

marka waloow uu si ka fiican u jawaabi karey misna waxaan qabaa in loo cudur daaro isna uu khaladkan oo kale mar dambe iska ilaaliyo, haddana uu raalli geliyo inta ku hadasha lahjaddaas iyo dhamaanba shacabka Soomaaliyeed, waayo haddii aad gobol ama dhinac u gefto dhanka kalena waad u gafaysaa.

Hadalsame Media