SAWIRRO: Beelo ku dagaalamayay Magaaladda Marka lix sanno ka badan oo la heshiisiiyay

0

(Muqdisho) 09 Okt 2018 – Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Oktoobar ee xoogga dalka ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan colaad gaa murtay oo muddo lix sanno ah ka taagnayd Magaaladda Marka, waxaana ay kala qaadeen maleeshiyooyin isku hor fadhiyay gudaha Magaaladda

Ciidamada ayaa sidoo kale dib u furay xaafaddo u kala xirnaa maleeshiyo beeleedyadaan oo ka soo kala jeeda labada beelood oo muddo dheer colaad dhiig iyo maal badan ku baxay ay ku dhexmartay gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaasha ciidamada xoogga dalka ayaa ku armay cid walba oo dagaaladaasi sokeeye ku lug lahayd in hadda wixii ka dambeeya aan laga ogolaan doonin dagaal dambe waxaana go’aanadaasi u riyaaqay maleeshiyooyinkii la kala qaaday.

Boqolaal qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay gudaha Magaaladda marka iyagoona si weyn u soo dhaweeyay heshiiska la gaaray iyo doorka muuqda ee ciidamada xoogga dalku ciyaareen markii ugu horeysay.

Hadalsame Media