Zidane oo caddeeyay kooxda uu ku biiri karo Juventus & Man United

0

(London) 08 Okt 2018 – Wakiilka Zinedine Zidane ayaa ku adkaysanaya in qaabka ay Manchester United kubadda u wajahado “ay is qaadan karin” midda Zizou, balse wuxuu u guuxey aragtida ah “inuu ku noqon karo” Juventus.

Macallinka ayaa haatan xor ah kaddib markii uu si lama filaan ah uga tegey kooxda Real Madrid, oo uu u qaaday 3 Champions League oo xiriir ah. Waxaana xilalka lala xiriirinayo ka mid ah midka Old Trafford haddii laga diro Jose Mourinho.

“Ma qabo inuu Ingiriiska aadi doono, maaddaama aysan ku haboonayn hannaankiisa tababar iyo qaabka uu kubadda u wajoho,” ayuu yiri Alain Migliaccio oo u warramayay Journal du Dimanche.

“Arrintaa waan lasoo qaaday, runtiina aragtidaasi sooma jiidanin. Wuxuu doortay inuu sanad ka nasto ciyaaraha mana beddeli doono go’aankiisa.” ayuu raaciyay, isagoo mar la waydiiyay inuu Juve ku noqonayo isagoo ama macallin ah ama maareeye ah wuxuu yiri:

“Taariikh baa halkaa taalla, marka gebi ahaanba waa suuragal. Wuu u guuxi karaa koox uu awalba qalbigiisu horay u yaalley, balse waa inuu jiraa mashruuc wayn.”

Hadalsame Media