XEERINTU WAA XIL JIRA: Farqiga u dhexeeya MUCAARADNIMADA Mahad Salaad & AAW!!

0

(Hadalsame) 08 Okt 2018 – Waxaa 58 gu’ laga joogaa xornimo beenaadka Somalia, yeelkeede, si xornimo beenaadkaa loogu beddelo mid dhamaystiran oo run ihi waxay ku xiran tahay inaan xor ka noqotid waxyaabo ay ka mid yihiin inaad noqoto dal midaysan oo dhanka uu u socdo iyo wixii u dan ah yaqaanna.

DOWLADDA MALLA MUCAARADI KARAA?

Dabcan haa, weliba dowladdu waxay leedahay iimo waawayn oo sheegis, ifin iyo hoga tusaaleeyn u baahan, si loo saxo waxyaabaha faraha badan ee ka khaldan dowladda, kuwaasoo nasiib xumo uu ka il duufo mucaaradka Soomaaliyeed oo ay ka muuqato in aan ujeedkooduba ahayn in wax la saxo oo ay dowladnimadu hana qaaddo, balse sida dhaqan ahaan lagu yaqaan mucaaradnimada Soomaalida ka hadla moowjado gaagaaban, iyagoo eeganaya dano yar yar oo shakhsi oo ay isla iyagu burburinayaan.

Tusaale ahaan, haddii ujeedka aad mucaarad u tahay ay tahay inaad xil iyo xoolo hesho, laakiin aadan ogolayn inaad fursad siiso marka uu qof kale booska fadhiyo, ama aad dumiso nidaamkii oo dhan kaddibna aad la mid noqoto sidii DIBI GEESA wayn oo lo’dii harka ka saaray isna aan uga harin.

Siyaasiga Soomaaliyeed ama aqoon ha sheegto ama diine waxay u bateen ka darayaal kursi doon ah oo aan wax dan ah ka lahayn dhibka shacabka ee kusii taageerayaal sida ay markasta u kala qaybinayaan, dhib jireed iyagu ugu gaysanayaan ama iskaga hor keenayaan.

Haddii moowduuca guda galo, waxaa ilaa shalay Facebook la dhex wareejinayaa Al Shabaab Sako ku dhex qaybiyay magaalada Muqdisho, iyadoo aan dan laga lahayn wixii shacabka u dan ah ayayna dad moodaya in ay qofaf ku xumaynayaan baraha bulshada wiifinayaan, bal akhri kelmadda Cali Dheere oo ah afhayeenka Al Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali dhere oo la hadlayay dadka la sheegay inay reer Muqdisho yihiin ee ay lacagaha u qeybiyeen ayaa isagoo la hadlayay yiri” KA RAALI AHAADA JIDKII IYO WIXII AAD SOO GASHEEN (SAFARKA) HADDII AAN AWOODNO MEESHIINA MUQDISHO AYAAN IDINKUGU KEENI LAHAYN IDINMA SOO LUG’GOYNEYN, WAXAAN RAJAYNAYNAY INAAN GURYIHIINA IDINKUGU KEENO IDINKOON LA IDIN SOO DHIBIN LAAKIN WADANKII (MUQDISHO) CADAW AYAA NAGA HAYSTA.”

Waxaa warkii dadka la kacay oo si aysan mas’uuliyad, xeerin, danta istaraatijiyeed ee isaga xitaa ugu jirta inuu AS xayaysiiyo iyo hubsiino Abdiraxmaan Abdishakuur Warsame oo bartiisa Facebook kusoo xarriiqay wax si otomaatig ah u noqonaya iidhehda iyo faafinta dacaayadda Al Shabaab oo aan iyagu dhihinba Sako ayaan Xamar ku qaybinay, isagoo soo qoray sidatan:

MA DOWLAD BAA LA MUCAARADAYAA MISE SHABAAB BAA LOO DANAYNAYAA?!

Su’aashaa oo ah midda ay ka il duufeen dad badan oo ay la tahay inay dowladda mucaaradayaan, balse ay aad uga hoos baxday dhowr sababood oo ay middood tahay faafinta been cad oo aysan dan umadeed ku jirin waxaa qayb ahaan is waydiiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo laftiisu ka mid ah dadka dowladda mucaarada, balse wax badan ka waaqicisan lana oran karo markan wuxuu gartay biya dhaca dhabta ah ee sheekada, isagoo soo qoray:

”Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha lacag Zako ah ku qeybinaya dadka faafinaya ma dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayay ugu daneynayaan mise Shabaab ayay buunbuunin iyo suuq geyn u sameynayaan?!

Anigu waxaan qabaa dhaliilaheenu in ay noqdaan kuwa wax dhisaya. Dalka iyo dadkana aan u turno oo cadow in uu qabsado yaanan horseedin. Fashilka amni ee jirana aan kula xisaabtano hay’adaha iyo dadka ka mas’uulka ah!”

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad

Hadalsame Media