Saxaafaddu dhexdhexaad maka noqon kartaa danta qaranka?! (Waa maxay doorka saxaafaddu?)

0

(Hadalsame) 08 Okt 2018 – Saxaafada kasta oo madax banaan ka sukoow anshax guud ee saxaafada iyo xeerarka caalamiga ah waxaa jira arimo badan oo ay xeeriso sida danta qaranka iyo shuruucda kale ee gaarka u ah dalka ay ka shaqeyso.

Dr Nabeel Marazan oo u dhashay dalka Pakistan ayaa 5.May 2014 wuxuu qoray maqaal uu ugu magac daray Saxaafada iyo danta qaranka.

waqtigaa waxaa socday Kacdoonkii carabta ee burburiyay wadamo badan ee dagaalkii Ukrian.

Dr Nabeel oo aan la dhacsaneyn hanaanka ay wax u tabineyso Saxaafada dalkiisa oo ku dayaneysa saaxafada caalamka ee xorta lagu sheego balse danaha wadamada maalgaliya ka shaqeeya ayaa sheegay in ay warka danta qaranka ka eegayaan sida saxaafada shisheeye u qoraan iyaga oo aan ogeyn saxaafada shisheeye aanay eegeen danta Pakistan balse ay ilaalinayaan danta dalalkooda.

Hadalka Dr Nabeel waxaan soo xusuustay maanta markii aan arkay Saxaafadeena qaarkeed oo si indho la,aan ah u faafineysa dacaayada Shabaabka.

Danta qaranka iyo Shabaab

Shabaab waa urur u taagan burburinta danta qaranka soomaaliyeed.

WAA MAXAY SABABTU?

Shabaab waxa ay lidi ku yihiin oo ay burburiyaan waxyaabo aas aasi u ah umadda Soomaaliyeed ama qaranka Soomaaliya.

MAXAA KA MID AH?

  1. Waxa aanay arki karin oo ay neceb yihiin Calanka oo ah astaanta qaranka.

2. Waxa ay aamisan yihiin in soomaaliya ay ka dhaxeyso dhamaan muslimka taasina sax ma ahan qolo kasta oo muslim ah dal ayeey leedahay oo xitaa Beydka Rabi ee Xajka waa in aan fiiso u qaadano.

3. Shabaab ma aamisana doowladnimo soomaaliyeed hadii ay dalka qabsadaana cidii ay doonaan ayaa maamuleysa

Arimaha Doowlada soomaaliya iyo Shabaab saxaafada soomaaliyeed ee aan ahayn tan ajnabiga dhexdhexaad ma ka noqon kartaa? Jawaabtu waa maya!

W; D: Mohamed Dhoore

Hadalsame Media