Qaar ka mid ah Musharrixiinta Ballon d’Or 2018 oo la magacaabay

0

(Paris) 08 Okt 2018 – Laacibka Juventus iyo Croatia ee Mario Mandzukic ayaa ka mid ah laacibiinta loo xulay abaalmarinta Ballon d’Or, tiiyoo uu 32-jirkani ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib KA2018 oo ay xulkiisu dhamaadka tiigsadeen, isagoo 33 gool u dhaliyay 89 kulan.

Abaalmarintan oo uu bixiyo France Football, ayaa waxaa dufcaddan ragga loo magacaabay sidoo kale ka mid ah saaxiibkii Cristiano Ronaldo, Modric, Hazard, Kane, Cante, Kylian Mbappé, Pogba, Bale iyo qaar kale.

Hoos ka eeg 25 ka mid ah 30-ka laacib ee la magacaabi doono:

Sergio Agüero (ARG / Manchester City), Alisson (BRE / Liverpool), Gareth Bale (GAL / Real Madrid), Karim Benzema (FRA / Real Madrid), Edinson Cavani (URU / PSG), Thibaut Courtois (BEL / Chelsea), Cristiano Ronaldo (POR / Juventus), Kevin De Bruyne (BEL / Manchester City), Roberto Firmino (BRE / Liverpool), Diego Godin (URU / Atlético Madrid), Antoine Griezmann (FRA / Atlético Madrid), Eden Hazard (BEL / Chelsea), Isco (ESP / Real Madrid), Harry Kane (ANG / Tottenham), N’Golo Kanté (FRA / Chelsea), Hugo Lloris (FRA / Tottenham), Mario Mandzukic (CRO / Juventus), Sadio Mané (SEN / Liverpool), Marcelo (BRE / Real Madrid), Kylian Mbappé (FRA / PSG), Lionel Messi (ARG / FC Barcelone), Luka Modric (CRO / Real Madrid), Neymar (BRE / PSG), Jan Oblak (SLO / Atlético Madrid), Paul Pogba (FRA / Manchester United)

Hadalsame Media