Koox burcad ah oo dad shacab ku laayay gobolka Mudug (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 08 Oktoobar 2018 – Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah ay rasaas ku fureen gaari dadka shacab ah ay la socdeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo.

Dadkii la socday gaariga rasaasta lagu furay ayaa sheegay in marka hore dableydu ku amreen waddaha gaariga in uu istaago, hase ahaatee darawalka ayaa iska dhega tiray amarka kooxdan burcadda ah.

Burcadda ayaa sidoo kale dhac u gaystay dadkii saarnaa gaariga ay rasaasyeeen

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ka taliya deegaanka dhibku ka dhacay xalay.

Hadalsame Media