”Haddaad farriintan hesho hasii dirine iska tir!” – Maamulka oo ka hadlay farriin Facebook dhex wareegaysa

0

(Menlo Park, CA) 08 Okt 2018 – Waxaa Facebook wareegaysa farriin been abuur ah oo dadka isticmaalaya u sheegaysa inuu qof samaystay koonto gacan ku rimis ah oo tan qofka laga dhambalay, iyo inuu qofku farriintaa u sii diro saaxiibbadii.

Waxaa farriin beenaadda ku qoran sidatan: ‘Haye….Waxaan runtii shalay kaa helay codsi kale oo saaxiib…taasoo aan iska indha tiray sidaa darteed laga yaabee inaad u baahan tahay inaad hubiso koontadaada. Fartaada ku qabo farriinta ilaa uu badhan kaasoo baxayo…deeto riix badhanka ”forwad” oo sii faafi. Nasiib wacan!’

Facebook ayaa sheegay inaysan jirin wax FAYRUS ah oo farriintan la socda, balse uu qofkii helaa iska tiro uun. Waxaa loo yaqaanno Gacan ku rimiska Facebook, waa marka uu qof samaysto koonto kale isagoo xadaya xogtaada, sawirradaada iyo magacaaga, isagoo iska kaa dhigayana uu codsi saaxiib u kala diro dadka adiga saaxiibka kula ah barta Facebook.

‘Ma aynaan arag koror ku yimid dad kasoo ashtakoonaya in koontooyinkooda oo kale loo samaystay qaab gacan ku rimis ah (cloned accounts),’ ayuu yiri sarkaal Facebook u hadlay.

Haddii aad ka shakisan tahay in ay sidaasi kugu dhacday waxaad raadin kartaa magacaaga si aad u aragto inuu qof kale samaystay.

Hadalsame Media