DABAGAL: Maxaa ka jira in ururka Al-shabaab lacago ka qeybiyeen Muqdisho?

0

(Muqdisho) 08 Oktoobar 2018 – Qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay faafinayay warar aan aad looga fiirsan oo ku saabsanaa in ururka Al-Shabaab lacago ka qeybiyeen meelo ka mid ah gudaha Magaaladda Muqdisho.

Warsidaha Hadalsame Media oo si dhab ah ugu kuurgalay waxa ka run ah wararkaasi ayaa fursad u helay inuu dhagaysto oo dhuuxo cod maqal ah oo warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaabka ay soo dhigeen.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali dhere oo la hadlayay dadka la sheegay inay reer Muqdisho yihiin ee ay lacagaha u qeybiyeen ayaa isagoo la hadlayay yiri” KA RAALI AHAADA JIDKII IYO WIXII AAD SOO GASHEEN (SAFARKA) HADDII AAN AWOODNO MEESHIINA MUQDISHO AYAAN IDINKUGU KEENI LAHAYN IDINMA SOO LUG’GOYNEYN, WAXAAN RAJAYNAYNAY INAAN GURYIHIINA IDINKUGU KEENO IDINKOON LA IDIN SOO DHIBIN LAAKIN WADANKII (MUQDISHO) CADAW AYAA NAGA HAYSTA,”

Hadalka afhayeenka ururka Al-Shabaab ayaa ahaa mid dheer waxaana cidii safiican oo dhamaystiran u dhagaysata ay fahmi kartaa in haba yaraatee goobta shabaabka dadka ku qaabileen aysan Muqdisho ahayn.

Yeelkeedee waxaa looga baahan yahay warbaahinta Soomaalida inay wararkooda ku saleeyaan xaqiiqo si aysan bulshada u jahawareerin.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ah ayaa ka hadlay wararka la xiriira kuwa faafinaya in Shabaab lacago ka qeybiyeen Muqdisho waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay sidaan.

Mahad Salaad:–“SHABAAB MIYAA LOO DANAYNAYAA MISE?!

“Shabaab ayaa Suuqa Bakaaraha lacag Zako ah ku qeybinaya dadka faafinaya ma dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayay ugu daneynayaan mise Shabaab ayay buunbuunin iyo suuq geyn u sameynayaan?!

“Anigu waxaan qabaa dhaliilaheenu in ay noqdaan kuwa wax dhisaya. Dalka iyo dadkana aan u turno oo cadow in uu qabsado yaanan horseedin. Fashilka amni ee jirana aan kula xisaabtano hay’adaha iyo dadka ka mas’uulka ah!

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Sala

Hadalsame Media