Cabdi Maxamed oo markale maxkamad kasoo muuqday + Sawirro

0

(Addis Ababa) 08 Okt 2018 – Waxaa markale magaalada Addis Ababa ee looga arrimiyo dalka Itooboya maxkamad lagu soo taagey madaxwaynihii hore ee maamulkii la oran jirey Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar oo loo haysto dhowr kiis oo dembi ah oo ay ku jiraan dil aan aaba yeel iyo sharci ku dhisnayn, dhac, boob hantiyeed, kufsi ciqaab ahaan loo adeegsado, abuurista ururro umadda dhiba, ku tumashada xuquuqul insaanka iyo baalmarista dastuurka Itoobya ayaa lasoo taagey maxkamadda 19-aad ee heer federaal ee magaalada  Addis Ababa.

Ilaa haatan lama sheegi karo halka ay dacwaddani ku idlaan doonto iyo goorta ay soo afjarmayso, wuxuuse Ileey oo aan abaal u dhiganin dadka Soomaaliyeed xilligii uu xukunka hayey uu farriin cod ah oo cafis dalab ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Cabbeey Axmed.

Hadalsame Media