XOG: AC Milan oo 50 milyan oo euro kula heshiisey Lucas Paquetá

0

(Milano) 07 Okt 2018 – Waxaa maalmahanba suuqa ku jirtey wada hadallo qarsoodi ahaa oo u dhexeeya madaxa farsamada Milan ee Leonardo iyo Lucas Paquetá oo u dheela Flamengo, kaasoo haatan la sheegayo inuu durba Jannaayo kusoo biirayo kooxda Milan.

Sida ku qoran Tuttomercato24, waxay Milan bixin doontaa 50m oo euro oo qandaraaskiisa lagu fasaqato, taasoo dib usoo celin doonta ugaarsigii Milan ee laacibiinta farsamada leh ee Latin America. Tuttosport, ayaa horay u sheegay inay kulmeen Leonardo iyo wakiilka laacibka ee Eduardo Uram.

21-jirkan oo 2 gool ka dhaliyay kulankii ugu dambeeyay horyaalka Brazil, Lucas Tolentino Coelho de Lima, oo loo yaqaanno Lucas Paquetá, baxaalli ahaan waa Kaka iyo Neymar la isku dhafay, wuxuuna haddii uu warkani dhaboobo Milan kusoo kordhin doonaa tayo iyo farsamo ay aad ugu baahan tahay.

Hadalsame Media