Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo qaabilay Safiiro ka socday dalalka Reer Galbeedka

0

(Muqdisho) 07 Okt 2018 – Safiirka u qaabilsan Faransiiska dalka Soomaaliya oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay islamarkaana qaabilay wasiirkada arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka Faransiiska ee Soomaaliya, Aline Kuster-enager.

Wasiirka ayaa u hambalyeeyay safiirka cusub waxaana uu rajo ka muujiyay in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo Faransiiska.

Aline Kuster-Menager ayaa dhankeeda sheegtay inay dowladeedu xoojin doonto xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo, Safiiradda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Germany ee Soomaaliya Marwo Annett Günther

Hadalsame Media