DARAASAD: Anshaxyada ay Diinta Islaamku fareeyso waxaa looga dhaqmaa GALBEEDKA in ka badan Dunida Muslimka!!

0

(Washington, D.C) 07 Okt 2018 – Qaar badan oo ka tirsan anshaxyada ay aadka u boorriso diinta Islaamka ee ku qoran Kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa aad uga muuqda bulshada reer Galbeedka marka loo eego dadkii ay ahayd inay ka muuqdaan ee dalalka Islaamka oo ku fashilmay inay qoor qooraystaan anshaxyada iyo dhaqamada ay dhiirrigelinayso diinta Islaamka, sida caawinta dadka aan waxba haysan, ku dadaalka aqoonta, siyaasadda aan musuqa lahayn, cadaaladda, isla xisaabtanka, runta, qiyamka, doorashada dadka nadiifka ah ee xilkaska ah, midnimada iwm, sida uu sheegayo aqoonyahan Jaamacadda George Washington University.

Daraasad lagu sameeyay 208 dal ayaa lagu ogaadey in dalalka arrimahaa aannu sheegnay oo ku wada xusan diinta Islaamka kaalinta 1-aad ka galay aysan Islaam ahayn, waxaana ugu horreeysa Ireland, kaddib Ireland, Denmark, Luxembourg, Sweden, the United Kingdom, New Zealand, Singapore, Finland, Norway iyo Belgium.

Waxaa la yaab leh in dalka Muslimka ah ee taxa ugusoo horreeya uu kasoo jeedo kaalinta 33-aad waana dalka Malaysia, halka dalka kale ee 50-ka sare ku jira ee Islaam ihi uu yahay Kuwayt oo 48-aad qotonta.

Hossein Askari, oo ah Prof Muslim ah oo Ganacsiga iyo Arrimaha Caalamiga ah ka dhiga George Washington University, ayaa sheegay in dalalka Muslimka ah, oo ay ku jiraan kuwa sheegta inay Shareecada ku dhaqmaan ay ku badan yihiin musuqa, cadaalad darrada, isla markaana ay ku dambeeyaan dhanka aqoonta iyo horumarka, taasoo muujinaysa inaysan ”Islaam” fiican ahayn, sida uu qabo profesoorku.

“Haddii dal ama dad ay ka muuqdaan baxaalliyo ay ka mid yihiin madax kali talis ah, musuq, cabburin, xukaam aan cadaali ahayn, fursadaha horumarka aadmiga iyo sharciga oo aan loo sinnayn, maqnaanshiyaha xorriyadda doorashada, faqri baahsan oo laga fursan karo, xoogga oo xal ahaan loo adeegsado, waxay taasi muujinaysaa inaysan bulshadaasi ”islaam ahayn.” ayuu raaciyay Prof Askar.

Wuxuu sheegay in diinta Islaamku ay tahay mid boorrinaysa horumarka iyo karaamada insaanka iyo in uu qofka Muslimka ihi sharaf iyo cisi ku noolaado ee aysan ahayn inuu aqbalo nolol liidata tayo ahaan iyo anshax ahaanba.

Daraasad tan oo kale ahayd oo la sameeyay 2010-kii ayaa soo saartay natiijo tan oo kale ah.

Hadalsame Media