”Dabaal baro waayo mar dhow waxaad ku baxsanaysaa Badda Dhexe!” – Iiraan oo talo la yaab leh u jeedisey Netanyahu

0

(Isfahan) 07 Okt 2018 – Sarkaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaan Iiraan ayaa RW Israel ee Benjamin Netanyahu u jeediyay “inuu dabaal barto,” isagoo ka digey in mar aan dheerayn ay taasi noqon doonto dookha qura ee uu haysto, iyadoo uu warkani imanayo jeer ay Iiraan Yuhuudda ku eedaynayso inay faafinayaan Iiraan nacayb (Iranophobia).

“Netanyahu waa inuu ogaadaa inuusan jid kale u furnayn aan ka ahayn inuu gobolka ka cararo, isagoo ka tillaabaya Badda Dhexe ee Mediterranean Sea,” ayuu yiri Sarreeye-Guuto Hossein Salami oo ciidamada Ilaalada Kacaanka qaar ka tirsan ugu khudbaynayay magaalada Isfahan, iyadoo ay soo xigatey Wakaaladda Wararka Fars news agency.

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu addresses the General Assembly at the United Nations in New York September 27, 2018. © Timothy A. Clary
Netanyahu oo khudbad dacaayad lagu tilmaamay ka jeedinaya QM

Warka Jeneraalka ayaa imanaya kaddib markii uu Netanyahu khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee QM, wax ka yar todobaad kahor, isagoo ku dooday “in Iiraan ay waddo mashruuc qarsoodi ah oo ay ku samaysanayso hubka nukliyeerka, taasoo ku taalla Tehraan.”

Hadalsame Media