MIDDI MIDDI KU TAAG: Shiinaha oo hakiyay saliiddii qeeriin ee uu kasoo dhoofsanayay Maraykanka & Ruushka oo ka faa’iidaysanaya!

0

(Hong Kong) 04 Okt 2018 – Dalka 2-aad ee ugu wayn macaamiisha iibsata saliidda Maraykanka ee China, ayaa gebi ahaanba joojiyaha qabtay inuu saliid qeeriin ka iibsado dalka Maraykanka, jeer ay sii laxaadsanayso xiisadda ka aloosantey dagaalka ganacsi ee labadan quwadood ee ugu xooggan dhaqaalaha adduunka.

Waloow aan saliidda lagu darin waxyaabaha tarriifooyinka dheeraadka ah la saaray, misna Shiinaha ayaa muddaba ka wareegsanayay inuu Maraykanka ka iibsado saliid qeeriin ah.

© Ilya Naymushin
Murankan wayaa kusoo aadaya jeer uu cirka marayo wax soo saarka saliideed ee Ruushka oo dhaafay heerkii Soofiyeetka.

“Waxaannu markii hore saliid badan kasoo qaadi jirney Maraykanka, balse markii uu dagaalka ganacsi bilowday, gebi ahaanba shaqadeennii way istaagtey,” ayuu yiri Xie Chunlin, oo ah madaxwaynaha CMES, oo ka hadlay shir-doceed uu ku qabtay Madasha Badaha Caalamka oo haatan ka soconaya Hong Kong, oo ay soo xiganayso Reuters.

Murankan ayaa kusoo aadaya jeer uu cirka marayo wax soo saarka saliideed ee Ruushka oo dhaafay heerkii Soofiyeetka, wuxuuna u muuqdaa mid sii lixaadsanaya, wuxuuna Shiinuhu haatan saliidda qeeriin ee uu u baahan yahay badanaa ka iibsadaa Ruushka.

Hadalsame Media