DAAWO: Shiinaha oo dhisay MAKTABAD ay dunidu la yaabtay!! + Sawirro

0

(Tianjin) 04 Okt 2018 – Qofina ma jecla in la daawado oo lagu dhaygago marka uu qoraal dheehanayo, balse Shiinaha ayaa dhisay maktabad u qalanta in la booqdo oo la yaab leh, adigoo sawirrada ka arki kara handasada cajiibka ah ee ku hareeraysan maktabaddaasi oo si IL WAYN loo sameeyay. Halkan ka DAAWO….

Maktabaddan ayaa ku taalla Binhai Cultural District oo ka tirsan Tianjin, waa 5 dabaq oo uu naqshadeeyay naaqish reer Dutch ah oo u shaqeeya MVRDV oo kaashanaya Machadka Tianjin ee Qorshaynta iyo Naqshadda ee Tianjin Urban Planning and Design Institute (TUPDI) waxaana lagu naynaasaa ishii Binhai ama “The Eye of Binhai”.

Maktabaddan oo ku fadhisa 34,000 oo mitir oo jibbaaran ayaa qaadda ilaa 1.2 bilyan oo buug, waxay lagu dhamaystiray 3 sano in la dhamaystiro, waxayna ka kooban tahay meelo wax lagu akhriso, meelo lagu nasto oo laga shaaho, qaacooyin shirarka lagu dhigo iyo qolal wax lagu dhegeysto ama lagu daawado.

Hay’adda MVRDV ayaa ku faani karta inay tahay mid leh hal abuur cajiib ah, iyadoo horay u naqshadeeysay suuqa quruxda badan ee Rotterdam.

Hadalsame Media