SHALAAN GO’AY: ”Masruuf la iguma laha waayo waxaan ku ”DHINTAY” shil gaari!!” – Nin ka maajiyay maxkamad Maraykanka ku taalla (Daawo)

0

(New York) 29 Sebt 2018 – Nin ayaa 5 sanadood looga dhaartay inuu bixiyo biilka carruurtiisa, jeer uu lacag fara badan kusoo bandhigo baraha bulshada gaar ahaan Facebook, taasoo uu sheegay inuu ka helay cajalado uu iibiyo.

Ninkan ayaa maxkamaddii iyo saxaafaddiiba kaga yaabiyay jawaab lama filaan ah, markii la hor dhigay su’aal ku saabsan sababta uu u bixin waayay masruufka carruurta.

”Aniga lacagi iguma waajibin, waayo waxaan ku dhintay shil gaari” ayuu si kalsooniyi ka muuqato ugu sheegayaa hilinka Fox News 6, deeto werisadii ayaa waydiinaysa; ”Bal middaana noo sharrax.” Suuye: ”Su’aalo kale diyaar uma ihi. La hadal qarreenkayga!!!”

Tan ugu darani waa inuu ninkani uu arrintan u arka qiil uu ku baxsan karo.

Halkan hoose ka DAAWO.

Hadalsame Media