ARAG MIRAHA: ”Halla dilo carruurta caddaanka, waalidkoodna halla daldalo” – Hees uu soo saaray fannaan madow oo dood ka oogtey Faransiiska!!

0

(Paris) 27 Sebt 2018 – Wiil madoow oo rapper una dhashay Faransiiska ayaa kusoo caan baxay muuqaal aad looga argagaxay oo muusig ah kaasoo ku baaqaya in la daldalo dadka caddaanka ah, iyadoo lagu baaqay in dacwad lagusoo oogo maaddaama uu rabsho sinji kicinayo.

Muuqaalka oo haatan laga saaray Youtube, balse weli laga heli karo baro kale ayaa muujinaya muuqaallo naxdin leh, wuxuuna fannaanka Nick Conrad, gadaashiisa ka muuqda laba nin oo madow ah oo jirdilaya nin caddaan ah, waxay deeto siinayaa ”jaanis” uu ku baxsado ”sida dadka madowga ihi yeelaan”, balse marka uu ordo ayay dhabarka ka tooganayaan.

Conrad wuxuu deeto ninkii caddaanka ahaa ku khasbayaa inuu qaniino boordaha marshabiyeediga, kaddibna madaxa ayuu uga istaagayaa, wax loo qaatay min-guurinta film-ka Maraykanka ah ee American History X. Dhibbanaha ayaa deeto lasoo daldalayaa iyadoo laga arkayo fannaanka gadaashiisa.

Waxaa kasii daran miraha heesta Conrad oo ay ka mid yihiin “Waxaan aadey isbitaallada carruurta waxaana laayay carruurta caddaanka” halka aan daldaley waalidood, si aan ugu madadaaliyo carruurta madowga ah.”

Hadalsame Media