CABSIDII CAMBAHA: Australia oo khudaartii cirbado laga helay!! + Sawirro

0

(Australia) 20 Sebt 2018 – Haddii aad la yaabanayd, fikrado dhagareedka Somalia, oo uu haatan ka shidan filim ku saabsan tarmuusyo la jebinayo, qof macmiil ah ayaa sheegay in uu helay cirbad lagu dhex qariyay cambe uu suuq waynaha kasoo iibsadey.

Macmiilkan ayaa cambaha kasoo iibsadey suuqa Coles ee galbeedka Gosford ee xeebaha woqooyi galbeed ee Australia, wuxuuna deeto arrintii u gudbiyay booliiska oo baaritaan ku wada, iyadoo ay kasii horreeyeen kiisas kale oo beenoobay.

Wiil yar oo ku nool Galbeedka Australia oo isna sheegay inuu cirbad ka helay strawberry uu cunayay, kaasoo la sheegay in aan dacwad lagusoo oogi doonin, da’diisa oo yar darteed, sida uu taliye Chris Dawson u sheegay idaacadda 6PR.

Shil kale, gabar yar oo 12 jir ah ayaa loo digey kaddib markii ay qiratay inay khudaar cirbad dhex gelisey, taasoo keentay inay boqollaal Australian ihi saf usoo galaan taageero ay u muujinayaan beeraleeyda dalkaasi ee sumcadooda la duray.

Hadalsame Media