Wariye lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2018 – Weerar loo adeegsaday Tooray ayaa lagu dilay wariye ka tirsanaa Idaacadda Codka Nabada ee Magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay  Magaalada dhexdeeda lagu dilay Wariye C/risaaq Siciid Cismaan oo ka mid ahaa Shaqaalaha Idaacadda Codka Nabada ee Gaalkacyo .

Koox ku hubeysanaa Tooreeyo ayaa weerarkan ka dambeeyay sida ay sheegayaan ilo madaxbanaan waxaana markii hore wariyeha oo dhaawac ah loo qaaday Isbitaal halkaas oo makii dambe uu ku geeriyooday.

Weerarka ayaa ka dhacay dhanka waqooyi ee Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland waxaana saakay la soo sheegayaa in ciidamada Boolisku wadaan baritaano ku saabsan kiiskaan.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka wariyeha hase ahaatee waxay qeyb ka tahay tacadiyada joogtada ah ee ka dhanka ah warbaahinta iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Hadalsame Media