Wadahadalo u socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2018 – Wafdi ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya iyo deegaanka Soomaalida ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan Jabhadda ONLF waxaana ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Kulankan ayaa dhacaya Magaaladda Asmara ee dalka Elateriya waxaana diirrada lugu saaraaa qaababka uu noqon karo heshiis dhexmara labada dhinac, sida u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta dalka Itoobiya.

Wafdiga isku dhafka ah ee dowladda Itoobiya waxaa hoggaaminaya wasiirka Isgaarsiinta Axmed Shide, waxaa kalo ka mid ah madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar  iyo xubno kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta maamulka Soomaalida.

Jabhadda ONLF waxaa dhinacyooda ku matalaya xubno sare oo u hoggaaminayo guddoomiyaha jabhadda ,Admiral Maxamed Cumar .

Hadalsame Media