Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday inay cadaaladda horkeento askari dil fool xun ka gaystay Muqdisho

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2018 – Waalidiinta gabar yar oo iskuuley ah oo shalay si xaq darro ah loogu dilay Magaaladda Muqdisho ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay cadaaladda  horkeento askarigii ka dambeeyay dilka gabadhooda.

Deeqo Daahir Cali waxay ahayd  9 sanno jir ka tirsanayd ardayda wax ka barata Iskuulka Hoyga Xamar ee Magaaladda Muqdisho waxaana shalay galinkii dambe ay u geeryootay rasaas uu furey askari ka tirsan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Millatariga.

“Rasaasta waxaa na-loo sheegay inay ka billaabatay markii askariga dilka geystay ay murmeen askari la socday gaari kale, waxayna rasaasua haleeshay Baska ay la socotey Deeqa iyo ardaydii kale.”  Ayuu yiri Daahir Cali oo ah Aabaha dhalay gabadha yar ee geeritootay.

“Gabadheyda waxaa ay ka mid ahayd arday uu rasaas ku furey Askari ka tirsan Millatariga Soomaaliya,”

Waxaa uu sheegay inaysan Aasi doonin meydka gabadhooda inta laga soo qabanayo askariga dilka ka dambeeyay waxaana sidoo kale uu sheegay in askariga falkaan ka dambeeyay uu ka mid yahay illaalada mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka.

Generaal Sheegow oo ah sarkaal la eedeeyay ayaa iska fogeeyay eedaantaan waxaana uu sheegay in askari ka tirsan ciidankiisa uusan dilkaan gaysan islamarkaana uu hayo cadeymo muujinayo in haba yaraatee illaaladiisu ku lug lahayn toogashadaasi.

Hadalsame Media