Douglas Costa oo 4 kulan la ganaaxey (Kulamada uu seegayo)

0

(Roma) 19 Sebt 2018 – Juventus ayaa waayaysa adeegga Douglas Costa oo gorodda loo gelinayo ganaax 4 kulan ah: Waa go’aanka Xaakimka isboortiga, kaasoo Brazilian-kan ku heshay inuu ku tacaddiyay laacibka Di Francesco daqiiqadihii ugu dambeeyay kulankii Juve ay 2-1 dirtay Sassuolo.

Waxaa meesha laga saaray in la adeegsado muuqaalka TV-ga, maaddaama aan xusulkii uu ridey Costa loo arkin fal cunfi ah. Bianconeri rafcaan kama qaadan doonto go’aankan, lkn iyadu ganaax kale ma saari doonto laacibka oo uu roosahani u ahaa kii ugu horreeyay abid.

Juventus ayaa laacibka u adeegsan doonta ciyaarta Champions League ee ay caawa la leeyihiin Valencia. Douglas Costa ayaa se seegaya kulamada Frosinone, Bologna, kulanka adag ee Napoli iyo Udinese isagoo kusoo noqonaya kulanka Serie A ee 20 Oktoobar la dheelayaan Genoa.

Hadalsame Media