RASMI: Ivan Gazidis oo kusoo biiraya kooxda AC Milan (Maareeyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah)

0

(Milamo) 18 Sebt 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la wareegtey Madaxii Fulinta Arsenal ee Ivan Gazidis oo kusoo biiraya 1-da Diseembar.

Milkiilayaasha Maraykanka ah ee Elliott Management ayaa muddo raadinaysay ninkan oo maarayn doona howlaha maalinlaha ah ee naadiga, isagoo xilka kala wareegaya Paolo Scaroni.

“AC Milan waxay ku dhaqaaqaysaa inuu Ivan Gazidis aqbalay kusoo biiritaanka Milan oo uu u noqon doono Maareeyaha Guudhas (“CEO”). Mr. Gazidis wuxuu si rasmi ah u howlgeli doonaa 1-da Diseembar, 2018,” ayuu u dhignaa bayaan kasoo baxay bahda Rossoneri.

Gazidis waa ninka Arsenal oo aan sanadihii dambe koobab badan qaadin misna ka dhigay koox ka mid ah kuwa ugu dakhliga badan caalamka.

MAAREEYAYAASHA SOO MARAY MILAN 

Rosario Lo Verde, from January 13 to March 26 1986 
Paolo Berlusconi, from March 26, 1986 to June 30, 1987 
Giancarlo Foscale, from March 26, 1986 to June 30, 1987 
Adriano Galliani, from March 26, 1986 to April 13, 2017 
Marco Fassone, from 13 April 2017 to 21 July 2018 
Paolo Scaroni, from 21 July 2018 to 1 December 2018 
Ivan Gazidis, from 1 December 2018

Hadalsame Media