Dowladda oo uga digtay madaxda maamullada muddo kororsi

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashooyinka ku soo fool leh qaar ka mid ah Maamul goboleedyada dalka iyadoona wasaaraddu sheegtay inay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan doorashooyinkaasi la filayo.

Halkaan ka sii akhri qoraalka Wasaaradda:

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeeraalaynta iyo Dib-u-Heshiisiiinta

Dimoqraadiyaynta iyo Federaalaynta Dalka

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socotaa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin  lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.

Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqayaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas.

Dhamaad

Hadalsame Media