Aqalka sare ee Soomaaliya oo wufuud u kala diray maamul goboleedyada (Sababta)

0
KODAK Digital Still Camera

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Wafdi kala duwan oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta safaro ugu kala baxay Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo halkaas oo la filayo inay shirar kula yeeshaan madaxda maamulladaasi.

Sababaha ugu weyn ee wufuudaan u aadeen Kismaayo iyo Baydhabo ayaa la aaminsanyahay inay ka dambeysay kadib markii khilaaf siyaasadeed oo xoog leh uu soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah.

Shalay ayay ahayd markii wafdi ka socda aqalka sare uu safar ku aaday Magaaladda Garowe taasoo qeyb ka ah dadaalada xaldoonimo ee aqalka sare isku xil qaamay.

Wefdiyo kale oo socda aqal sare ayaa la filayaa inay gaaraan deegaanada Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Maamuladda gobolada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid aysan dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed iyadoona walaac weyn laga muujiyay sharuudo aad loo saluugay ay soo bandhigeen madaxda maamul goboleedyaddu.

Hadalsame Media