SAWIRRO: Soomaaliya oo codsatay in la balaariyo dhabbaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport

0

(Muqdisho) 16 Sebt 2018 – Wasiir ku xigeenka Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Xirsi Aadan Rooble ayaa ka codsaday shirkadda gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aden Ade Intertional Airport ee Favori in la balaariyo dhabaha diyaaradaha ee Ranwayga garoonka.

Hadalkaan ayuu wasiir ku xigeenku ka sheegay xaflad  si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusaayay sanad guuradii 5-aad ee markii shirkadda Favori ka howlgashay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalaada Muqdisho.

Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr Olgan Beker oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in dadkiisa Turkiga ay ka go’antahay taageerida dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Maareeyaha Garoonka Muqdisho Ashkir Jaamac iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheel ayaa xusay in mudada ay joogeen wax badan ay ka qabteen shaqada Garoonka.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic fara badan ka fulisa gudaha Soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinacyada caafimadka, waxbarshada, dhismaha qaar ka mid wadooyinka.

 Hadalsame Media