Maxay ganacsatada Soomaalidu ka ”SHABBAHDAA” maaraynta madaxii Microsoft?!

0

(Seattle) 16 Sebt 2018 – Wargeyska Jaamacadda Havard ee ka faalooda arrimaha Ganacsiga, Havard Business Review (HBR), ayaa maqaal ka qoray CEO gii shirkadda Microsoft, Steve Ballmer, oo shaqada ka farriistay 2014.

Wargeysku wuxuu leeyahay haddii CEO ga shirkadeed lagu qiimeynayo inuu iibka kor u qaado, soona xareeyo faa’iido badan, Steve Ballmer waa qofka koowaad, waayo wuxuu gaarsiyey iibka shirkaddaas sanadkii 78 Bilyan wuxuuna kasoo qaaday macaashka (profit) shirkaddaas $9 bilyan isagoo gaarsiyey $22 Billion sanadkii.

Haddiise lagu qiimeynayo inuu fahmo meesha suuqu u socdo (Market Shift), inuu dhidibada u aaso sidii shirkaddaan ay ku jiri lahayd waqti dheer (Long-term survival) Steve waa hoggaamiyihii ugu liitay ee dunida ganacsiga soo maray, sababtuna waxey tahay sanadkii 2000 oo ah markii uu xafiiska la wareegay, Microsoft waxey haysatay suuqa Softwares-ka 95% 14 sano kadib oo uu shaqada ka tagayo waxaa looga guuleystay 5 meelood oo ay ahayd inuu isagu hoggaamiyo.

Online Search waxaa uga guuleystay Google, Mobile Software waxaa uga adkaaday Apple iyo Google oo kala haysta Android iyo iOs, Media waxaa uga guuleystay Apple iyo Netflix, Cloud iyo Data Center waxaa uga adkaaday Amazon, oo aan suuqaasba ku jirin, tan ugu daranse waxey tahay 2 bilyan oo telfoonada gacanta ah oo 2014 maalinta uu shaqada ka tagayo suuqyada loo iibgeeyey Microsoft waxey ku lahayd 1% oo ah Nokia oo ay gadaal ka iibsadeen mar suuqii telfoonada lagu kala adkaaday.

Waxaa igu soo dhacay shirkado isgaarsiineed, Bankiyo iyo Jaamacado dalkeena ku yaalla oo 10 kii sano ee ugu dambeysay keliya hormarka ay sameeyeen uu yahay iney kireystaan dhawr guri, magaaladana ku dhajiyaan boorar aan cidina wax iska weydiin midabkooda iyo farriimaha ay gudbinayaan.

Waxay Soomaalidu ganacsi ahaan iyo xitaa siyaasad ahaanba u baahan tahay kacdoon hal-abuuur oo lagu beero qaabka loo maamulo shirkadaha iyo Xarumaha waaweyn ee dalka, si ay usoo saaraan hoggaamiyaal ay wax ka baran karaan dadka ka hoos shaqeynaya, isbadalna ku sameeya sida ay u fikiraan Soomaalida ganacsiga ku jirta.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Royal

Hadalsame Media