CAGLIARI VS AC MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Cagliari) 16 Sebt 2018 – Waxaa caawa kulanka ugu dambeeya Axaddan ciyaaraya labada kooxood ee Cagliari iyo AC Milan oo iyadu ugu marti ah gasiiradda Sardinia.

Dhanka Cagliari: Artur Ionita iyo Charalampos Lykogiannis ayaa soo noqday iyagoo metelayay xulalkooda Moldova iyo Greece. Ragnar Klavan, ayaa isna gaar u tababaranaya isagoo aan faya qabin, halka ay maqan yihiin Luca Ceppitelli iyo Rafael.

Dhanka Milan: Waxaa Milan ka maqan dhaliyeheeda Cutrone, oo ka sheeganaya jug kasoo gaartey anqowga bidix ciyaartii xulka Under 21. Higuain, ayaana sidaa ku ah weerarka qura ee dhexe ee uu haysto Gattuso, isagoo ay garbihiisa buuxinayaan Suso iyo Calhanoglu. Dhexda waxba kama cusba oo waa Kessie, Biglia iyo Bonaventura. Musacchio ayaa qalbiga daafaca la taagan Romagnoli balse dhanka dadabka bidix waxaa isku haya Rodriguez-Laxalt, balse dadabka midig wuxuu u xiran yahay Calabria.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 12 DAGA, 16 ARESTI, 24 FARAGO’, 2 PAJAC, 3 ANDREOLLI, 22 LYKOGIANNIS, 19 PISACANE, 4 DESSENA, 8 CIGARINI, 17 FARIAS, 9 CERRI, 10 JOAO PEDRO
  • 25 REINA, 90 A. DONNARUMMA, 20 ABATE, 33 CALDARA, 17 ZAPATA, 4 JOSE’ MAURI, 93 LAXALT, 91 BERTOLACCI, 14 BAKAYOKO, 7 CASTILLEJO, 11 BORINI, 96 TSADJOUT

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Ceppitelli, Rafael
  • Conti, Strinic, Montolivo, Cutrone

Hadalsame Media